Dowladda Kenya ayaa ka hadashay arinta ku aadan in Somaliland loo aqoonsado dal gooni ah oo Soomaaliya ka madax banaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowladd madax bannaan.
Waxa ay sheegtay in Xiriir wanaagsan ay la leeyihiin maamulka Somaliland,balse haatan jirin qorshe ku aadan in dal ahaan ay u aqoonsadaan.
Baarlamaanka dalka ingiriiska ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay dood ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland,waxaana dooda aqoonsiga Somaliland baarlamaanka horgeeyay Xildhibaan Gavin Williamson.
Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford, ayaa sheegtay in UK aysan xiligaan quseynin aqoonsiga Somaliland,islamrkana arrimahaas ay u yaalaan Somaliland iyo Somaliya.

