Cabdi Xaashi:-“Doorashadda Socota Mid La Boobayo, Hala Joojiyo”,!

0

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashadda ka socota Magaaladda Muqdisho ee lagu dooranayo xildhibaanadda matalaya Somaliland.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in qaabka loo wado doorashadda ay tahay mid qalad ah,islamarkaana laga baxay heshiiskii u dhaxeeyay isaga, Raisulwasaare Ku-xigeenka Mahdi Guuleed Khadar, iyo raisulwasaarha Xukuumadda Federaalka Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in la joojiyo jadwalka doorashada gobolada Waqooyi ee dhawaan lasoo saaray, islamarkaana uu ku tilmaamay inay tahay mid la boobayo.

“Waxaan ugu baaqaya raysal wasaaraha in la joojiyo jadwalka doorashada ee lasoo saaray, lana joojiyo kuwa la isku haysto oo aanan la isla ogeyn, doorashadana loo qabto kuwa la isla ogyahay kaliya” ayuu yiri guddoomiye Cabd Xaashi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here