Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland SEIT ayaa shaaciyay Jadwalka qabashada Doorashada 3 kursi oo la qabanayo 24-Jan-2022 maalinta Isniin.
Qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland SEIT Khadar Xariir Xuseen ayaa lagu sheegay in 3-da kursi oo dhawaan la shaaciyay, doorashadooda la qaban doono 24-ka bishaan.


