Mahdi Guuleed:-“Rooble Waxaan Ka Raaligalinayaa Gafkii Loo Geystay”,!

0

Raisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka hor yimid hadalkii shalay kasoo baxay Guddoomiye Cabdi Xaashi, Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, Boqor Cusmaan Buurmadow iyo Xildhibaan Maareeye.

Xubnahaan ayaa eedeen u jeediyay Raisulwasaarha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble,waxayna sheegeen in boob lagu hayo kuraasta Xildhibanadda Gobolada woqooyi ka imaanaya.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Rooble uu qeyb ka yahay boobka doorashada,islamarkaana xafiiskiisa uu noqday sida Cabdala Shideeyaha oo kale.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay hadalka kasoo yeeray xubnahaan ayaa raaligalin siiyay Raisulwasaarha Xukuumadda xil gaarsiinta maxamed Xuseen rooble.

Waxa uu sheegay in beelaha Dir-waqooyi ay u mahad-banaan yihiin doorashada kuraastooda.

“Wixii ka dhacay guriga Cabdi Xaashi dhaqan Soomaaliyeed ma aheyn Ra’iisul Wasaare Rooble iyo beeshiisa Habargidir waxaan ka raali gelinayaa gefkaas, waxaan leeyahay xaal qaata, Ra’iisul wasaarow raali ahaaw, beesha Habargidir-na hanaga raali noqoto,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here