Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qarax Magaaladda muqdisho lagula eegtay Afhayeenka Xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.
Qaraxa ayaa ka dhacay Degmadda Waabari ee Magaaladda muqdisho,waxaana fuliyay qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa.
Qoraal kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lala beegsaday Macalimuu uu ahaa ismiidaamin,islamarkaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.
“Hadal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas lala beegsaday masuul ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, Isla markaana uu weerarku u dhacay sidii loo qorsheeyay”, ayaa lagu daabacay warbaahinta Al-shabaab.

