Afhayeenka Xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ku dhaawacmay qarax uu la beegsaday qof naftiisa haligay kaas oo ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa lagu yiri,
“Afhayeenka XFS Mudane Mohamed Ibrahim Moalimuu waxaa dhaawac ka soo gaaray weerar argagixisadu la beegsadeen gaarigii uu saarnaa. Xaaladda dhaawaciisu halis ma aha, waxaanna u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah.”
Macallimuu oo horay ula soo shaqeeyey BBC-da ayaa ka bad-baaday ugu yaraan illaa afar qarax oo ay badi kasoo gaareen dhaawacyo xoogan.
Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xili arbacadii weerar loo adeegsaday is-miidaamin uu ka dhacay wadada 21-ka October, kaas oo ay mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Al-Shabaab.

