Rooble oo La Kulmay Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Cali Khayre.

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Kulanka Mas’uuliyiintaan ayaa loogu hadlay arrimaha doorashooyinka,heshiiskii laga gaaray doorashooyinka iyo in la saxo tabashooyinka ay qabaan xubnaha Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay bogga Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka natiijo wanaagsan uu kusoo dhamaaday,islamrkaana dhinacyadda ay si qoto dheer kaga hadleen arrimaha doorashooyinka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Madaxweynihii hore Shariif  Sheikh Axmed iyo  Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen hirgelinta  heshiiskii uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaran ee dardar gelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xukuumadda.

Kulankaan oo Rooble la yeeshay xubnahaan ka tirsan golaha midowga musharaxiinta ayaa ku soo aaday wax yar kadib markii uu soo baxay war-saxaafadeedkii ay madaxda golaha wadatashiga qaranka ku shaaciyeen heshiiska cusub ee hanaanka loo saxayo doorashada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here