Iyadoo wali Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Rooble Uu Shir uga socdo magaalada Muqdisho ayaa waxaa Siyaasiyiinta dalku Ka muujinayaan Rajo wanaagsan
Qaar Kamid ah siyaasiyiinta Dalka ayaa waxa ay sheegeen in haatan si shirku uu ku socdo ay ula muuqato mid si qurux badan ku socda islamarkaasna ay ka filayaan in ay kasoo baxaan wax miradhal u ah.
Siyaasi Xasan Cadaay oo la hadlay idaacadda simba ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu aragtidiisa ka dhiibtay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho uga socda madaxda Maamul goboleedyda Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Rooble
Waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in laga soo saaro War murtiyeed wax ku ool ah oo dalka ka samata bixinkara xaalada adag ee haatan uu ku jiro
Siyaasi caday ayaa tilmaamay in shirkani uu yahay fursad ay taariiqda baal dahab ah uga gali karaan madaxda Maamul goboleedyda iyo Ra’iisul Wasaare Rooble Hadii ay Natiijo Fiican kasoo saaran
Dhankalena waxa uu madaxweynaha Goboleedyada qaar uu uga digay in ay caqabad ku noqdaan natiijada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee magaalada Muqdisho Maadaama Madaxweynaha Maamul goboleedyadu ay kala aragti duwan yihiin oo qaarkood ay madaxda kala taageersan yihiin.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii sadaxaad galay ayaa kasocda Muqdisho iyadoona raja wanaagsan laga muujiyay waxa shirkaasi kasoo baxaya

