Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka teleefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Finland Pekka Haavisto.
Labada Wasiir ayaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Labada Dal ee soomaaliya iyo Finland, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey Dowladda Finland taageerada ay u fidiso Soomaaliya.
iyagoona kulankooda diiradda ku saaray adkaynta xiriirka iyo wada shaqeynta ee labada dal ka dhexeeysa iyo sidii ay horay ugu socnlahayd.
kulankan ay yeesheen Cabdisaciid Muuse Cali wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo dhiggiisa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Finland Pekka Haavisto ayaa ku soo aadaya iyadoo bilihii la soo dhaafay wasiirka arimaha dibadda uu kulamo diblomaasiyadeed la yeelanayey dowladaha caalamka oo soomaliya xiriir la lahaa ka hor burburkii dowladdii dhexe ee soomaaliya.

