Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Hiiraan Oo Ku Baaqay in La Joojiyo Dagaalka Baladweyne

0

labadii maalood lasoo dhaafay ayaa waxa magalaada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ka socday dagaal xoogan oo udhexeya ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyaad ah oo kasoo horjeeda maamulka hirshabeele.

Dagaaladaan ayaana waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana isisoo tarayay baaqyada kala duwan oo loo jeedinayay in labada dhinac in ay joojiyaan dagaalka.

Nabadoon maxamed yaqcquub isxaaq oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka hiiraan oo la hadlay idaacada simba magaalada muqdisho ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka sokeeye ee ka socda qeybo ka mid ah magaalada baladweyne

Waxaana uu sheegay  in loo baahanyahay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka oo uu sheegay in ay soo abaabulaan kooxo aan dadka shacabka ah iyo danaha hirshabeele ka fakarayn

Nabadoonka ayaa xusay in dagaal uusan waxba soo kordhinayn oo khasaaro badan uu dhalinayo.

waxaana uu ugu baaqay in dhinacyada isku haya hiiraan ay dhexdheexaadin socoto qaataan

maleeshiyaad kala taabacsan generaal xuud iyo nuur dheere oo kasoo horjeeda maamulka hirshabeele ayaa ciidamo farabadan oo hubeysan la galay magaalada baladweyne

waxaana ay dagaal xoogan kula jiraan oo ay isku horfadhiyaan magaalada baladweyne ciidamada dowladda iyo kuwaa mamaulka hirshabeele iyadoona marwalba xalaada baladweyne laga cabsi qabaan in dagaalku uu sii xoogeysto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here