Waxaa maanta kale magaalada muqdisho ee caasimada dalka uu shir uga bilowday madaxaweynayaasha maamul goboleedyada ,gobolka banaadir iyo Raiisul wasaare rooble.
Shirkaan oo maalintiisii labaad galay ayaa waxa looga hadlayaan arimaha doorashooyinka iyo dhameystirkooda.
madaxda Golaha wadatashiga ayaa shirkoodi koowaad uga dooday caqabadaha haysta doorashooyinka iyo sidii loo dar-dargalin lahaa arrimaha doorashooyinka oo la dhaafay xiligii horay Golaha ay ku hishiiyeen in lagu soo gaba gabeeyo doorashooyinka
Golaha ayaa maanta lagu wadaa in ay ka hadlaan wax ka badalka jadwalkii hore ee doorashada oo dhicisoobay
Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta ay kusoo biirayaan oo ay ka qeyb galayaan xubno ka socda beesha caalamka iyo midowga musharaxiinta
waxaana lagu wadaa in dhankooda ay qeybtooda ka qaataan si dee looga gudbi lahaa cabadaha ku horgudban doorashooyinka.
siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada dalka ayaa dalbaday in shirkaan laga soo saaro jadwal sax ah oo lagu dhameystirayo doorashada dalka.

