wararka imaanaya gobolka bakool ayaa waxa ay kusoo waramayaan in weerar ku bilowday madaafiic la beegsaday saldhig ciidamada amisom ay ku leeyihiin degmada waajid ee gobolkaasi bakool.
weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan alshabaab ay weerar madaafiic iyo qaraxyo ah ku qaadeen saldhig ciidamada itoobiya ay ku leeyihiin degmada waajid
waxaana lagu soo waramayaan in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarkaan.
alshabaab wararkooda dhica intarneetka waxa ay ku sheegteen in weerarka ay qasaaro xoogleh ku gaarsiiyeen ciidamada itoobiya qeybta ka ah amisom.
alshabaab waxa ay sheegeen in in ka badan 13 madfac ay gudaha u galeen saldhigga ciidamada Itoobiyaanka.
waxaana ay intaasi kuradeen in uu jiro qaraxyo ka dhashay hoobiyaasha wallow alshabaab ay san shaacin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka tira ahaan.
weerarkaan ayaa waxa uu imaanaya xili alshabaab ay horay u go,odoomiyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka balkool islamarkaasna ay si joogta ah weeraro iyo qaraxyo uga fuliyaan halkaasi.

