Warar dheeraad ah ayaa kazoo baxaya dil sarkaal ka tirsanaa maamulka koonfur galbeed saacadihii lasoo dhaafay loogu geystay magaalada buurhakaba ee gobolka bay.
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in dilkaan ay geysteen islamarkaasna ay goobta iskaga baxsadeen dilka kadib
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka sarkaalkaan oo ay sheegeen in ay ku dileen howlgal ka dhacay degmada buurhakaba
Alshabaab wararka ay ku baahiyaana dhinaca intarneetka waxa ay ku sheegteen in Xoogag hubaysan oo ka tirrsan ay xalay gudaha degmada Buurhakaba ku dileen.
Alshabaab ayaa sheegay in sarkaalka ay dileen lagu macaabi jiray Maadeey
Inta badan alshabaab ayaa weerar iyo dilal qorsheysan ka geysta gobolka bay dhawaan ayayna aheyd markii xubno ka tirsan alshabaab ay gurigiisa kala baxeen guddoomiyihii madaxkamada degmada buurhakaba kaas oo ay gowraceen.

