Waxaa goordhaweyd magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran,kaasi oo maalmihii dambe hakad ku jirey.
Shirka waxaa shir gudoominaya raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,waxaana ka qeyb galaya madaxweynayaasha maamulada Puntland, Jubaland,Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed.
Arrimaha ugu culus ee shirka hareyn doonta waxaa qeyb ka ah sixida Habraacyada, Xulista Ergada, Yareynta Samaeynta Madaxda Maamul Goboleedyada, Kaalimaha SIET, FIET/EDRC iyo sameynta Jadwal Doorasho oo Cusub oo waqtigiisa aan dhaafin.









