Siyaasi Muqtaar Oo Sheegay In Dalku uu Galay Firaaq Dastuuri Ah

0

xili wali uu sii xoogeysnayo khilaafka soo kala dhexgalay  Raiisul wasaaraha iyo madaxweynaha dalka ayaa waxa isisootaraya dhaliisha xoogan ee loo jeedinayo madaxda dowladda oo ku aadan xaalada uu dalka ku galay

qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo ka hadlay waqtigaadirkaan waxa uu dalku ku suganyahay ayaa waxa ay sheegeen in arintani tahay mid qatar ah oo dalku galay

siyaasi muqtaar maxamed cali oo la hadalay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in haatan uu ku jiro firaaq dastuuri ah oo uu galiyay madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo.

siyaasiga ayaa tilmaamay in madaxweynuhu isaga oo dano gaar ah leh oo uu dalaka galiyay xaalad hubanti la,aan ah ,waxaana uu sheegay in wax kasta oo dhaca uu masuuliyadeeda qaadanayo

siyaasi muqtaar ayaa dhankale madaxweyne farmaajo ku eedeeyay in ujeedada uu lahaa ay tahay in uu markale kusoo noqdo talada dalka oo uu doorashada boobo ama in uu muddo kororsi sameysto taas oo uu sheegay in haatan ay mar xalad adag galisay dalka

hadalka siyaasiga ayaa kusoo aadaya xili dhawaan ay istaagtay doorashada golaha shacabka oo si dardarleh kusocotay islamarkaasna lagu tilmaamayay halka rajo ee uu dalku leeyahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here