Ku Dhawaad 5 Qof Oo Cudurka Covid-19 Ugu Geeriyooday Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadihii aan kasoo gudubnay dad badan ay cudurka covid-19 ugu geeriyoodeen degmada cadaado

ilaa iyo 4 qof ayay wararku sheegayaan in haatan ay cudurka ugu geeriyoodeen gudaha Degmada cadaado

waxaana haatan laga cabsi qabaa in ay korarto tirada dadka uu salfanayo cudurka oo ku sii baahaya cadaado iyo deegtaanada ku dhawdhaw

maamulka degmada cadaado ayaa soo saaray awaamiir culus oo lagu yareynayo khatarta cudurkaan iyo dadka uu soo ridanayo

waxaana la amran in la mamnuucay isu imaatinada goobaha dadweynaha ee gudaha degmada caadaado si uu kadhawaajiyay guddoomiyaha degmadaasi cadaado cabdulaahi cabdiraxmaan tootoole

waxaa sidookale la xiray masaajidada iyada oo laga hortaga in dad badan uu cudurku ku faafo

maamulka degmada cadaado ayaa sheegay in ay sii kordheyso tirada dadka uu haatan soo ridanayo cudurka dadkana ay fareen talaabooyinka looga hortagayo in uu ku faafo cudurka sida afxirka iyo galoofiska .

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here