Ciidamada dowladda gaar ahaana kuwa sida gaarka ah utababaran ee Gorgor ayaa howlgalo balaaran oo saacado ka hor ay ka dameeyeen deegaano kuyaal gobolka shabeelaha hoose waxa ay sheegen in ay kusoo qabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha alshabaab.
Howlagaladaan ayaa wax ay Ciidamadu ka fuliyeen deegaanada kala ah Bariire, Toortoorow, Mubarak, Shaam-garre, Jowhar-yareey, kuwaas oo hoostaga degmadda Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor-gor Gaashaale dhexe Dayax Cabdi Cabdulle oo howlgalkaan hogaaminayay ayaa waxa uu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu soo qabtay lix Xubnood oo ka tirsan alshabaab.
taliyaha ayaa sheegay in howlgalku uu yahay mid soconaya inta xubnaha alshabaab ay ka saarayaan deegaanada dhaca gobolka shabeeleha hoose.
warkasoo baxay dowladda ayaa sidookale lagu sheegay in howlgalo ka dhacay gobolka shabeelaha hoose ciidamada dowladdu ay kula wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab.
labadii maalin ee lasoo dhaafay ayay ciidamada dowladdu howlgalo xiriir ah ka wadaan deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose iyadoona howlgalkaan uu imaanayo xili maalin ka hor ciidamada dowladdu ay howlagalo dad badan lagu soo qabtay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose

