Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Guddi Sarer U Magacaabay Baarista Dhacdadii Ciidanka lagu Geeyay Xafiiskiisa

0

Ra’iisul wasaraha xukuumada xilgaarsiinta soomaaliya ayaa guddi heer wasiiro ah umagcaabay in ay baaritaan rasmi ah ku sameeyaan dhacdadii dhawaan xafiiskiisa ciidamada lagu duldhigay

Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda

Wasiiradaan ayaa kala ah.

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here