Kadib Waxyeelo Culus oo ay ugeysteen Kooxo Burcad ah ayuu muwaadin Soomaaliyeed ugu dambeyn u geeriyooday isagoo in muddo ah la dhulyaalay waxyeeladaasi la gaarsiiyay.
Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa waxa ay kusoo waramayaan in Baashe Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalka Turkiga uu u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ay 6-dii bishaan December ku qaadeen seddax nin oo burcad Turkish ah, xilli uu ku sugnaa goob dalxiis oo ku taalla degmada Beyoğlu ee bartamaha magaalada Istanbul.
Warhaainta dalka Turkiga ayaa soo bandhigtay muuqaallo muujinaya qaabkii loo fuliyey weerarkaas. Waxayna kaamiraduhu qabteen ragga burcadda ah oo gadaal uga yimid marxuumka, kadibna mid ka mid ah ayaa Feer qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay Baashe, isagoo halkaas ku miyir daboolmay, sida ay warbaahinta u xaqiiyeen Dad goobjoogayaal Oo ku sugnaa goobta.
Burcadda ayaa baaratay Baashe oo dhulka yaalla, waxayna ka qaateen talefano, boorso iyo agabyadii kale ee uu watay, waxayna ku baxsadeen gaari Taxsi ah, balse booliska ayaa ku guuleystay in uu soo qabto.
Xogaha laga baahiyey dhacdadaan waxay intaas ku darayaan in seddaxdii burcada aheyd deg deg loo hor-geeyey maxkamad, isla markaana labo ka mid ah oo ka yaraa da’aadda 18-sano lagu soo oogay dacwad xatooyo, halka ninka 3-aad ee feeray Baashe lagu soo oogay inuu geystay dil bareer ah.
Marxuum Baashe Xoosh Jabriil waxuu ahaa Aabe deganaa magaalada Toronto ee dalka Canada oo uu dhalashadiisa labaad ka heystay, waxuuna Istanbul u tegay dalxiis.
Allaha u naxariistee Baashe Xoosh Jabriil waxuu ahaa walaalkii ka yaraa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo isna 8-dii Maarso 2019-kii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.
Dhimashada muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa kusoo aadeysa xili muddoyinkii Guddaha dalka turkiga ay kusoo badanayeen Kooxaha Burcada ah ee dhaca ugeysanaya dadka shacab ka ah iyadoona ay xusid mudantahay in turkiga ay ku suganyihiin muwaadin badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo Cabasha Xoogan ka muujiyay Burcadaan Dharaarta cad dadka Furanaya.

