Dad Horleh Oo Gaajo Iyo Oon Ugu Dhintay Gobolka Gedo

0

Warar aan ka helayno Deegaano ka tirsan gobolka gedo ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dad horleh ay oon iyo gaajo ugu dhinteen gobolka gedo

Dadkaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen xoola dhaqato islamarkaasna xoolo hoodi ay abaartu laysay islamarkaasna aysan helin wax roob ah.

halka ugu daran oo haatan abaarta lagu soo sheegayo gedo waxa ka mid ah deegaanka buurdhuubo oo la tilmaamay in dadka ku dhaqan xaaladoodu ay liidato aysana heysan bilo iyo baad toona.

qaar ka mid ah oday deegaanka buurdhuubo oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in afar kal aysan arag wax roob ah islamarkaasna aysan jirin wax gurmad ah oo ilaaiyo haatan soo gaaray

odayaashaan ayaa inoo xaqiijiyay in abaabrtu ay wali xoogantahay biyuhuna ay si dhifleh marmar kusoo gaaraan halkii fuustana ay tahay 50$ oo aan lahelayn marmarka qaar

ugu dambeyn cuqaashaan ayaa shacabka soomaaliyeed iyo dadka ilaahey wax siiyay ugu baaqay in ay gurmad deg deg ah soo gaarsiiyay dadka reer buurdhuubo oo uu sheegay in abaartu si ba,an uheyso

waxaana ay tilmaameen in xoolihii ay mar hore li,ideen haatana dadku ay khatar ugu jiraan in oon iyo gaajo ubaaba,aan

hadalka odayaasha dhaqanka ayaa kusoo aadaya xili si weyn gobolada dalka ay usaameeysay abaar xoogan oo dadka iyo duunyadaba saameyn kuyeelatay

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here