Maamulka Galmudug Oo Ciidamo Kala Dhaxdhigay Beelo Ku Dagaalamayay Galgaduud

0

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa ciidamo aad u fara badan kala dhaxdhigay beelo walala ah oo ku dagaalamayay deegaanka ka xandhaale oo hoostaga Degmada balanbale

Dagaaalka Beelaha ayaa soo ifbaxay dhamaadkii todobaadkii ina dhaafay,waxaana intii uu dagaalku socday ka dhashay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah

Ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ayaa la kala dhex dhexdhigay dad reer guuraa ah oo dagaal culus ku dhex mareen maalmihii la soo dhaafay deegaano Galbeedka kaga beegan Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Galmudug, kuwa Nabadsugida iyo Ciidanka Booliiska oo gaarey deegaanka Kaxandhaalle oo ah halka dagaalka ugu culus ka dhacay ayaa amnigiisa waxa si rasmi ah ugu wareegay ciidanka kumaandooska Soomaaliyeed ee GorGor.

Ciidamada ayaa hadda ku hawlan dejinta qorshihii lagu kala rari lahaa maleeshiyaadka dagaalku dhex maray oo wali ku sugan aagag aan ka fogeyn goobihii dirirtu ku dhex martay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here