Warar kala Duwan ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Faderaalka ah oo Xalay dad shacab ah ku rasaaseeyay Gudaha Degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir
Wararka ayaa sheegaya Rasaasta akarigaan uu furay ay waxyeelo kasoo gaartay Hal qof iyadoona Maryan Maxamed Xersi Gabar lagu magacaabo La sheegay in ay ku dhaawacantay Rasastaasi
Sidookale waxa la tilmaamay in maryan ay ka mid aheyd shaqaalaha isbitaal jaziira ee ku yaal warta nabada
Sababta rasmiga ah oo falkaan uu ugeystay askarigu lama oga balse waxaa la sheegay in xabadaha uu ufuray si waddada uu ufurto
Atintaab ayaa ka dhacday isgoyska Xararyaale ee Degmada warta Nabada waxaana la sheegay Maryan oo aheyd gabadha dhaawacantay loola cararay mid ka mid ah isbitaalada kuyaal magalaada Muqdisho
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maryan dhaawaceedu uu yahay mid culus, iyadoona haatan Isbitaalka Ordugan ee Ex Digfeer lagu taxaalayo xaalada gabadhani
Maalmihii ugu dambeeyay waxa dalka kusoo badanayay dilalka barerka ah ee Ciidamada Dowladdu u geeysanayaan dadka shacab ka ah ee ku dhaqan Caasimada
Jimcihii aan soo dhaafnay maalin ka hor ayay aheyd markii askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu hooyo 9 caruur ah oo agoon ah heysta uu ku toogtay xaafada xoosh ee dagmada dharkenleey

