Xili Amni darro aad u xooggan ay malmahaan ka jirtay magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabelle islamarkaasna maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ka dhacayeen falal lid ku ah Amniga magaalada ayaa waxa haatan aad loo adkeeyay amniga magaalada
Maamulka degmada howlhar ayaa shaaca ka qaaday in amniga ay gacan bir ah ku qabanayaan Xilli shalay Qarax xoogan ka dhacay maqaayad ku taalla gudaha magaalada, kaas oo sababtay dhimashada nabaddoon caan ka ahaa Jowhar halka ay ku dhawaacmeen 5 qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabelle oo lagu kala magacaabo Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf C/qaadir Karaani.
Taliyaha saldhig Ciidanka Booliiska magaalada jowhar bashiir xasan xalafooy oo idaacada simba ee muqdiaho uwaramay ayaa waxa uu sheegay in ay haatan udiyaar garooween sidii amaanka guud loo xaqiijin lahaa
Waxaana uu sheegay in arintaasi ay iska kaashanayaan ciidamada mamulka hiirshabeele iyo kuwa ciidamada dowlada maadaama
Taliayaha ayaa xusay in talaabo cad ay u qaadayaan dhinaca sugida amaanka magaalada jowhar oo lagu wado in ay ka dhacdo doorashada kuraasta aqalka hoose ee barlamaanka dalka
Waxa uu sidoo kale sheegay in haatan xaalada amni ee magaalada jowhar ay dagan tahay ka dib shaqaaqooyinkii shalay ka dhacay degmada.
Taliyaha saldhiga booliska magaalada jowhar ayaa cod dheer baaq ugu jeediyay shacabka magalada in ay amniga sidiii loo xaqiijin lahaa ay kala shaqeeyaan ciidamada booliska
Magaalada jowhar iyo xaafadaha ku deedsan ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa ay la daalaadhacayeen amni daro xoogan iyadoona magaalada jowhar ee caasimada maamulka hiirshabele lagu wado in ay dhawaan ka bilaabato doorashada golaha shacabka bfs

