Guddiyada Doorashooyinka Oo Loogu Baaqay In ay Wax Ka Badalaan Qaabka ay Usocoto Doorashada Golaha Shacabka

0

Xili wali uu jiro walaac xoogan laga qabo doorashada golaha shacabka ee barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Iyo Sida ay Doorashooyinka uga bilowdeen maamul goboleedyda dalka

Waxaana marba marka kasii dambeysa  sii kordhiyay Walaac iyo baaqyada ay soo jeedinayaan saaxiibada besha caalamka golaha midowga musharaxiinta dalka ururada rayidka siyaasiyiin taas oo ay dhamaantood ku baaqayaan in aan la baal  marin hishiisyadii lagu wada hishiiyay ee  arimaha doorashooyinka

Zakariye maxamuud haji cabdi oo qeyb ka ahaa baarlamaankii 10aad ee dalka hatana ah musharax madaxweynye oo wareysi siiyay idaacada simba ee muqdisho  ayaa waxa uu ka hadlay arimaha doorashooyinka haatan maraya meelihii ugu adkaa ku raasta qaar la sheegayo in la duudsiiyay beelihii lahaa ayuu waxa uu sheegay in ilaa iyo haatan walaacyo dhowr uu jiro  oo ah in aan si waanagsan loo maamulin doorashada golaha shacabka bfs.

Xildhibaan zakariye maxamuud haji cabdi ayaa  tilmamay in gabi ahaanba doorashada dalka ka socota loona bahan yahay in la saxo islamarkaasna Habraacyada gudiyada doorashooyinka ay soo saareen si sax ah loogu dhaqmo

Xildhibaanka ayaana ka digay in sida haatan ay wax ku socdaan hadii  lagu sii wado dalku uu  qalalaaso amni gali karo

Hadalka Xildhibaan hore zakariye maxamuud haji cabdi ayaa wax uu ku soo aadayaa xili wali uu jiro is qabqabsiyo la xariiro  kuraasta qaar ee lagu doortay deegaanada Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here