Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil Gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bogaadiyay Go,aan kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Go,aankaasi oo waxba kama jiraan looga soo qaaday qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Doorashadooda Cabashooyin farabadan Laga keenay
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa amaanay qaabka ay Guddigu u gudanayaan Waajibaadka Ka saaran Hirgalinta Doorashada Hufan,Waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in guddiga uu si cadaalad ah umaamulo doorashada
Afhayeenka Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed ibraahim macalimuu ayaa warbaahinta u akhriyay warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha isaga oo sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu si aad ah usoo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal kuwaas oo dib u celiyay kuraas ka mid aheyd doorashada Golaha Shacabka ee la qabtay oo aan loo marin habraacii saxda ahaa
Afhayeenka Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku booriyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka in iyaguna ay waajibaadkooda u gutaan si caddaalad ah oo waafaqsan Heshiisyada iyo Habraacyada doorashada ee laga soo gudbiyay cabashooyinka.
Guddiga Doorashooyinka qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in laba kursi oo uu ku jiro kursiga sumadiisutahay hop103 oo uu horay ugu fadhiyay Guddoomiyihii hore ee Gollaha shacabka maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari Doorashadooda aysan waxba ka jirin oo markale lagu celinayo

