Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic oo xalay lala beegsaday Fariisimo Ciidamada ka tirsan Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Beydhabo
Weerarkaan oo ahaa mid culus ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig Ciidamada itoobiya ay ku leeyihiin gudaha Magaalada beydhabo ee xarunta Gobolka Baay
Warar qaar ayaa sheegaya in dagaal toos ah uu jiro kaasi oo lagu qaaday Sidookale saldhig Ciidamada Koonfur Galbeed ay halkaasi ku lahaayeen
Al-Shabaab ayaa la sheegay in dhowr madfac ay ku tuureen saldhiga Ciidamada Amisom iyadoona dhankooda la tilmaamay in ay Madaafiic ku jawaabeen
Ilo deegaanka ah ayaa kusoo waramaya in ay maqlayeen jugta culus ee madaafiicda balse aysan sheegi karin qasaaraha ka dhashay
Wali majiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Amisom iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo looga hadlayo Weerarkaan iyadoona weerarku uu imaanayo xili doorashada golaha shacabka ay kasocoto Magaalada Beydhabo

