Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay ka dhacdo doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka 11 aad oo uu dalku yeelanayo.
Kursiga maanta la filayo in doorashadiisu ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo ayaa Haray ugu Fadhiyay kana geeriyooday Maxamuud Maxamed Bono,
Amaanka Magaalada beydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen in doorashada kursiga sumadiisutahay hop193
Doorashada waxa ku tartami doona Musharrixiinta kala ah, Cabduqaadir Maxamed Cali (Injineer Baashi) &
<span;>Cabdullaahi Aadan Axmed (Abdullahi Black)
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu noqonayaa Maamulkii ugu badnaa ee qabta doorashada kuraasta Golaha Shacabka shacab iyadoona Todobaadkaan la qabtay doorashada ilaa 10 kursi

