Ciidamada Dowladda gaar ahaana Kuwa Sida gaar ka ah utababaran ee Haramcad ayaa xalay waxa ay howlgalo lagu balaaran ka sameeyeen Xaafadaha qaar ee degmooyinka Gobolka Banaadir
Howlgaladaan ayaa si gaar ah ciidamadu uga fuliyeen Xaafadaha Degmada hodan ee Gobolka Banaadir iyadaana Howlgaladaan uu hogaaminayay Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada hodan
Intii howlgaladu ay socdeen ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badnaa dhalinyaro kuwaasii oo baaritaano kala duwan lagu sameeyanayay
Taliyaha Saldhiga Ciidanka Dagmada hodan Cabdullaahi Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka howlgalkaan
Waxaana uu sheegay in ujesdku uu ahaa xaqiijinta amaanka iyo ka hortaga kooxaha burcadda ah ee xiliyada habeenkii ah dhaca ka geysta Xaafadaha Degmada
Taliyaha ayaa dhankale dhalinyarada howlgalka lagu soo qabtay ka dalbaday in Ciidamada amaanka ay kala shaqeeyaan sugida amniga
Maamulka Degmada hodan ayaa maalmihii dambe howlgalo waday xaafadaha Degmada iyaga oo sheegay in ay kaga hortagayaan Falalka amnidaro

