Xiisaad Dagaal Oo Maanta Laga Dareemayo Boosaaso

0

Warar aan ka helayno Deegaanada Puntland ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta cabsi dagaal ay ka taagantahay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Wararka ayaa sheegaya in daqiiqad walba la filan karo in uu dagaal Boosaaso ka qarxo kadib markii uu xoogeystay khilaafka Saraakiisha Ciidamada PSF iyo Xukuumadda Puntland

Labada dhinac ayaa si aad ah umuransan ,waxaana ay saacadiihii ugu dambeeyay hawada isku marinayeen hanjabaadyo culus

Wararka ka imaanaya xiligaan magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in labada dhinac Ciidamadoodu ay wadaan Dhaqdhaqaayo xoogan oo cabsi badan laga muijiyay

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ee ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay arkayaan Ciidamo fara badan oo Magaalada lasoo dhoobay islamarkaasna ay soo foodsaartay cabsi xoogan

Xisaddaan ayaa ka dhalatay kadib markii madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani uu xilka ku sameeyay agaasimihii Ciidamada maraykanku uu tababaray ee PSFta islamarkaasna uu agaasimahaasi uu diiday xilka qaadis

Ciidamo ka gadoodsan xilka qaadis oo isagu uu wato ayaa furimaha dagaal buuraleyda iskaga soo baxay iyaga oo haatan dhifeysyo iyo caratuur adag ka sameeystay Gudaha Magaalada Boosaaso

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here