Doorashada Kursigii uu Muranka Ka Keenay Pro Jawaari oo La Qabtay

0

Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ka socota doorashadda Afar Kursi oo kamid ah Xubnaha Golaha shacabka ee ka imaanaya Deeganadda Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.

Kuraasta maanta doorashadooda la qabanaayo waxaa kamid ah kursiga hop 103 oo uu afartii sano aynu soo dhaafnay uu ku fadhiyay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusman Jawaari.

Doorashada kursigan waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan, wuxuuna helay 78, halka musharax Mukhtaar Cali Ibraahim oo la tartamay uu isna helay 18 cod, sidoo kale waxaa halaabay 4 cod.

Sida ay shaaciyeen Guddiga doorashadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya doorashadda kursiga Hop 103 waxaa ku guuleystay wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed,kaasi oo kamid ah xubnaha sida weyn ugu dhow Madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudooomiyihii Hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa dood ka keenay qaabka loo maray kursigaan, wuxuuna cabashadiisa u gudbiyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaalka, waxayna dalbadeen in la hakiyo doorashadda kursigaas.

Dhanka kale Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in aysan hakin doonin doorashaddda Kursigii uu ku fadhiyay Gudooomiyihii Hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan

Dhanka kale waxaa haatan socda doorashadda Kursiga HOP189 oo uu horay ugu fadhiyay Sheekh Aadan Madoobe, iyo HOP041 oo uu ku fadhiyey Idiris Cabdi Dhaqtar & kursiga HOP042 oo ay horay ugu fadhisay Hani Maxamed Aadan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here