Al-Shabaab Oo Sheegay in ay La Wareegeen Saldhig Ciidan Oo Kuyaal Jubbada Hoose

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in in weerar culus xalay lagu qaaday saldhig ciidamada daraawiishta Dowlad Goboleedka jubbaland iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Jaziiradda Kudhaa ee GobolkaJubbadaHoose.

Weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weerareen saldhigga Ciidamada maamulka Jubbaland ee deegaanka Kudhaa, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay iska horimaad xoogan iyo dagaal toos ah oo ka dhacay halka loo yaqaan Afriik islamarkaasna ka tirsan kudhaa.

dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen balse aysan sheegi karin qasaaraha ka dhashay.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalkaan ayaa waxa ay sheegeen in Muddo ku dhow hal saac oo  dagaalku socday  ay la wareegeen saldhigga Afriik ee deegaanka kudhaa.

Warar Al-Shabaab ay ku baahiyaan barahooda intarneetka ayaa waxa ay ku sheegeen in markii dambe ay dagaalka kusoo biireen ciidamada melleteriga Kenya ee sadhigga ku leh jaziirada Kudhaa,

Al-Shabaab ayaa intaas ku daraya in ciidamada Kenya ay madaafiic ku garaaceen dhulka howdka ah ee ku dhow deegaanka Kudhaa, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladii xalay ka dhacay cirifka Koonfureed ee Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here