Hooyo Gaajo Ugu Geeriyootay Degmadda Luuq+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Luuq ee Gobolka Gedo, ee Maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya in Hooyo haysatay afar caruur ah ay Gaajo ugu geeriyootay halkaas.

Hooyo Fatxi oo haatan haysa Caruurta ay ka tagtay Hooyadda geeriyootay ayaa idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho u sheegtay in Hooyadda ay nafta ka baxday iyadoo nuujinaysa mid kamid ah caruurteyda.

Waxa ay sheegtay Hooyo Fatxi in abaarta saameysay deegaanka ay sababtay in ay waayaan Hooyadda iyo caruurteyda wax ay dhuunta mariyaan taasina ay keentay in dhimashadeyda.

Waxa ay u baaqday Dowladda Federaalka, Maamulka Jubbaland iyo hay’adaha wax bixiya in gargaar lala soo gaaro Caruurta hooyadda Geeriyootay ay ka tagtay oo ay sheegtay in aysna haysanin hoy iyo cuno.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here