Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,doorashaddda 2022-ka.
Kulankaan oo ka socda Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa loogu hadlayaa tabashooyinka maalmahan mucaaradka ay ka keeneen hanaanka ay u socoto doorashada xildhibaanada Golaha shacabka.
Xubnaha kulanka ka qeyb galaya waxaa kamid ah madaxweynayaashii 7-aad iyo 8-aad ee dalka, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Shariif Xasan Sheekh Aadan,Daahir Maxamuud Geelle iyo C/Kariin Xuseen Guuleed, halka Rooble ay wehlinayaan Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur iyo Wasiir Kuixgeenka Warfaafinta Al-Cadaala.
Dhanka kale qoraal kasoo baxay xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa loogu hadlay qodobadda shirka loogu hadlaayo.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo Daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka” waxaa sidaas lagu soo qoray bogga xafiiska Rooble.

