Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

0

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Saqdii Dhexe waxaa la sheegay in  goobtiisa Ganacsi ay ku dileen Maxamed Ismaaciil Kiish, oo kamid ahaa Odayaasha ugu magaca dheer Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

 toogashada marxuunka ayaa ka dhacday  Dukaankiisa oo ku yaalla Magaalada East London ee dalkaasi Koonfur Afrika, iyadoona  dilka kadib ay hoobta iskaga baxsadeen kooxdii burcada aheyd ee dilka ugeysatay muwaadinka Soomaaliyeed.

Mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah ee ku sugnaa meel aan ka fogeen halka dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in Kooxda Burcaddu ay sidoo kale dhaceen Goobta gamacsi ee marxuunka.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa inta badan ka dhaca dilal iyo dhac loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku ganacsata Dalkaasi

Waxaana jirin wax taalaabo ah oo ay dowladda Koonfur afrika u qaaday wax ka qabashada dilalkaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here