Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Afgooye

0

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose  ayaa waxa ay sheegayaan in qarax culus lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah xilli ay ku socdaalayeen deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye.

Weerarkan qaraxa uu  si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Mareereey oo ka mid ah deegamada hoos taga degmada Afgooye

waxayna la sheegay in qaraxa lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo lug ku marayay deeganka  waxaana

Wararka ayaana intaasi ku daraya in khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaani

Alshabaab ayaa wararka ay ku baahiyaan dhinaca intermeetka ku sheegtay masuuliyada qaraxaani

Waxaana ay sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda

Warkasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxa lagu sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen 3 askari oo ka mid ahaa ciidamadii lagu qarxiyay duleedka Degmada Afgooye
Sidookale lagu dhaawaca 2 kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda.

Wali majiro majirto wax war ah oo kasoo baxay Dowladda oo looga hadlayo qaraxaani qasaaraha dhaliyay ee la sheegay in uu ka dhacay Duleedka Degmada Afgooye

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here