Faahfaahino:- Dagaal Xoogan Oo Dhacay Shabeellaha Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa waxa kasoo baxaya  weeraro culus oo isugu jira dagaal toos ah iyo mid qarax ah oo saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Jannaale iyo deegaanka Bariire oo ka wada tirsan Gobolka Sh/hoose.

Weerarka hore ayaa waxa la sheegay in uu ahaa qarax lala beegsaday Ciidamada Dowlada oo sugnaa degaanka  Jannaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa
Waxaana ay sheegeen in Qaraxa oo ahaa mid xooggan uu haleelay Ciidamo ka tirsan dowladda xilli ay roondo ku jireen

Al-Shabaab wwarka kasoo baxaya ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dileen  2 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Weerarka labaad ayaa waxa uu ka dhacay  saldhiga ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Bariire Gobolka Sh/hoose waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here