Hogaanka Ahlusuna Oo Si Kulul Uga Hadlay Dagaal kala Dhexeya Galmudug

0

Sheikh Axmed shaakir Cali xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlusuna ayaa waxa uu si faahfaahsan uga hadlay Xiisada dagaal ee ka taagan Gobolka Galgaduud iyo ujeedka soo rogaal celintooda Ahlusuna ee deegaanada Galmudug

Sheikh shaakir ayaa waxa uu sheegay in jeedka soo roogaal celintooduvuu yahay la dagaalanka Al-Shabaab

Waxaana uu tilmaamay in maamulka Galmudug halkii ay Al-Shabaab la dagaalami lahaayeen ay kala fududaatay in ay culumada laayaan.

Sheikh shaakir ayaa si cad u sheegay in Ahlusuna ay soo laabatay islamarkaasna Galmudug ay haatan kula dagaalamayso hubkii loo siiyay in ay kula dagaalamaan Al-Shabaab

Waxaana uu meesha ka saaray in Ahlusuna soo rogaal celinteeda ay ka damacsantahay arimo siyaasadeed

Hadalka Hogaamiyaha Ahlusuna ayaa waxa uu imaanayaa xili Ciidamada Ahlusuna ay gabi ahaaba la wareegeen gacan ku heynta Degmada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud

Iyagoo sheegay in ay deegaanada ay qabsadeen sii joogi doonan amaankooda ay iyagu sugi doonan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here