Ciidanka Booliska Gobolka Bari Oo Xabsiga Dhigay Askari Dil Ka Geystay Boosaaso

0

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa waxa ay xabsiga utaxaabeen Askari xalay gudaha Magaalada Boosaaso ku dilay Qof shacab ah

Askarigaan ayaa waxa la sheegay in rasaas uu furay uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo ayaanle

Waxaan sidookale ku dhaawacmay ruux kale oo la socday

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka Gobalka Bari ayaa waxa lagu sheegay in si aad ah ay uga xunyihiin falkii dhacay askarigii dilka geystana gacanta lagu dhigay oo cadaala la waafajin doono

” Booliiska Gobolka Bari waxa uu tacsi la wadaagayaan Ehelada & qaraabada uu ka dhintay Marxuum Ayaanle Jamac Cumar oo xay askari ay kaga dhacday Xabad Waxaana uu sidoo kale Caafimaad u rajeynayaa inuu ka soo kabto dhaawaca soo gaaray Bishaar cali cawad oo marxuumka la socday.

Ciidanka Booliiska waxay qabteen Askarigii falkaas geystay waxaana socoda baaritaanka dhacdadan, wixii faahfaahin ah waxaan idiin gudbin doonaa marka baaristu dhamaato insha allah.”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here