Maxa Ka jira in La Joojiyay Shaqadii Garoonka Diyaaradaha D/Guriceel

0

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay idaacada simba ayaa waxa ay sheegayaan in gabi aanba ay joogsatay shaqadii duulimaadyada ee Garoonka diyaaradaha Degmada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud

Wararka ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu Go,aansaday in la jooji shaqada Garoonka diyaaradaha Guriceel

Waxaana diyaarad usocotay in ay ka dagto Garoonka la sheegay in loo wareejayay in ay ka dagato Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug

Ilaa iyo hada lama oga sababta rasmiga ah ee loo joojiyo shaqada Garoonka iyada oo la ogsoo yahay in ay garoonkaasi uu maamulka galmudug kasoo gali jiray dhaqaalo fara badan

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sababta uu maamulka galmudug u ka hakiyay shaqada garoonka diyaaradaha Guriceel ay tahay sababo la xaiiraa dhinaca  amniga maadaama ay inta badan Degmada ay shalay la wareegeen kooxda ahlusuna

Waxa kaloo xusid mudan in ahlusuna ay sheegeen in diyaad hub ama ciidan sida aysan kasoo dagi karin garoonka diyaaradaha Degmada Guriceel

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here