Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaay Qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay iyo Bakool
Waxaana la sheegay in qaraxaan lala eegtay masuuliyiin dowladeed oo ka tirsan maamul goboleedka Koonfur galbeed soomaaliya.
Qarax oo ahaa mid jugtiisa si wayn looga maqlay qaybo ka mid ah xaafadaha degmada Buurhakaba la timamaay in si gaar ahwaxyeelo loogu gaarsiiyay xubno masuuliyiin sar sare ah oo ka tirsan maamulka degmada iyo ciidamo ka titsan maamulka Koonfur galbeed.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uu ka dhashay Khasaare kala duwan oo dhaawacyo ubadanaa
Al-shabaab ayaa sheegay masuuliyada qaraxaan ,waxaana ay sheegeen in qasaare ay ku gaarsiiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka koonfur galbeed
Al-shabaab warar ay dhinaca interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in qaraxa ay ku dhaawacmeen 3 xubnood oo isugu jira masuuliyiin iyo askar ka tirsanaa dowlad goboleedka koonfur galbeed
Waxaana ay intaasi ku dareen in xubnaha dhaawacmay uu ka mid ahaa taliyaha nabad sugida dowladda ugu magacaaban Degmada Buurhakaba ninka lagu magacaabo Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Buur-hakabo Nuurow Ibraahim iyo askari ka tirsanaa ciidamada maamulkaas oo lagu magacaabo Cabdow Buulle.
Qaraxan ka dhacay degmada Buurhakaba ayaa waxa kusoo beegmayaa xilli qaraxyo xooggan saacadiihii lasoo dhaafay iyo weeraro culus gobnolka bakool lagu la eegtay ciidamo ka tirsan amisom

