Warar aan ka helayno deegaanada puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Gabi,ahaaba uu baaqday shirkii madaxda maamul goboleedyada oo maalinta bari ah lagu balansanaa in uu ka furmo magaalada garoowe ee caasimada maamulka puntland
Shirkaan ayaa waxa uu ahaa mid dhawaan lagu iclaamiayay warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen madaxweynayaasha dowlad goboleedyda
waxaana uu shirkaani yimid kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Madaxweyne farmaajo iyo raiisul wasaare rooble iyadoona si doo kala lagu balansanaa in shirka looga hadlo socodsiinta qabsoomida arimaha doorashooyinka dalka
Warar lagu kalsoonankaro ayaa waxa ay xaqiijinayaan in shirkaan baaqashadiisa keentay kadib markii ay ka qeyb galkiisa iska diideen qaar ka mid ah mdaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka gaar ahaana madaxweynayaasha galmudug iyo koonfur galbeed
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa yeeshay kulan ku qabsoomay aalada Zuumka kulankaasi oo hordhac u ahaa kan garoowe ay iskugu imaanayan madaxdu Waxaana la timaamay in Madaxweynaha maamul galmudug Axmed cabdi qoor qoor uu madaxweynaha dowlad goboleedka puntland ka dalbadeen in la baajiyo shirka ka furmaya magaalada garoowe
Maamulka Puntland wali wax war ah oo rami ah kama soo saarin baaqashada shirkaan balse waxaana la filaya in saacada soo socda ay war kooban kasoo saaraan

