Waxaa uu muran xoogan ka dhashay qaabkii uu raiisul wasaare ku xigeenku dalka ku sooo saaray habraaca doorashada aqalka sare ee xubnaha gobolada waqooyi iyada oo aan laga talagalin raiisul wasaare rooble oo hogaaminaya arimaha doorashooyinka
Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi & Ra’iisal wasaare Kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa soo bandhigay shuruudaha looga baahnahay qof ka doonaya in uu utartamo kuraasta soomaaliland aqalka sare ee barlamaanka soomaaliya
Waxaana si weyn suaal laiskaga weydiiyay sababta shaacinta warqadaan loo soo marin waayay raiisul wasaraha oo ugu dhawaaqay raiisul wasare ku xigeenka dalka
siyaasiyiinta dalka ayaana tilaabadaan ku macneeyay in Raiisul ku xigeenka uu dhaqan galiyay awoodii laga yareeyay raiisul wsaaare rooble
sidookale waxa la tilmaamay in xubnaha gobolada waqooyi oo uu ugu horeyo raiisul wasaare ku xigeenka dalka ay la safteen madaxweyne farmaajo
Dood dheer oo ka dhalatay arintaasi kadib raiisul wasaare rooble ayaa wax ka badal ku sameeyay war qada ay soo saareen hogaanka xildhibanaad gobolada waqooyi
iyadoona la tirtiray warqdaasi lasoo saaray kadib markii aan lagu xusid wax kaalin ah oo uu raaisu wasaare rooble ku leeyahay waqadaani
Waxaana markale dib loo faafiyay warqada oo lagu soo daray in xubnaha liiska musharaxiinta loo gudbin doono Ra’iisul wasaaraha si uu uhubiyo

