Warar dheeraad ah aya kasoo Weerar kala duwan oo ciidamo ka tirsan amison saacadiihii lasoo dhaafay lagu beegsaday Deegaano ka dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose.
Weeraradaan ayaa waxa la sheegay in ay haayeen ku jid gal ah oo lala beegsaday ciidamada amisom gaar ahaana kuwa yugaandha oo marayay deegaano hoostaga Shabeelaha hoose
Dad Deegaanka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ay maqlayeen jubta culus iyo dhawaqa rasasata ay isweydaarsanayeen labada dhinac
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weeraradaan,waxaana ay sheegeen in qasaare ay ku gaarsiiyeen ciidamada yugaandha
Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka koowaad ay la eegteen kolonyo ay lasocdeen ciidamada uganda xili ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada No/60 iyo Buufow oo ka wada tirsan G/Sh/hoose.
Weerarka labaad ee jidgalka ah ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Ceelwareegow iyo Buufow oo ka tirsan shabeelaha hoose iyadoona lala beegsaday konyo ay lasocdeen ciidamada amisom
waxaana alshabaab ay sheegeen in uu jiro khasaare kala duwan oo ciidamada Yugaandha kasoo gaaray weerarkaan balse aysan iyagu sheegin inta uu laegyahay qasaarahaasi.

