Waxaa la filayaan in maata ay si rasmi ah magaalada jowhar ee Caasimada maamulka hirshabeele ay uga bilaabato hadal jeedinta mushraxiinta utartamaya kuraasta aqalka ee hirshabeele
ilaa iyo 6 musharax ayaa ka tanaasulay musharaxnimadood taasi oo ka dhigaysa in maanta 27 labaatan musharax ay hadalkooda ka horjeedin doonaan barlamaanka hirshabeele si maalinta doorshada codka loo siiyo
Xoghaya guddiga doorashada hirshabeele oo la hadalay idaacada simba ayaa waxa uu ka warbixiyay sababta xunaha musharaxiinta qaar ay isku casileen
Waxaana uu sheegay in sababo iyaga ugooni ah in ay u tanaasule balse aysan jirin
wax cadaadis ah oo la saaray
xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in maamulka hirshabeele uu ku dadaalayo sidii doorasho xor iyo xalal ah ay uga dhici laheyd jowhar islamarkaasna loogu kala cadaalad fali lahaa musharaxiinta tartameysa
sida uu qorshuhu yahay maalinta arbacada ah ayaa waxa lagu wadaa in si rasmi ah ay u bilaabato doorshada aqalka sare ee uu qabanayo maamulka hirshabeele
waxaana jira siyaasiyiin qaar oo saluugsan musharaxiinta faraha badan ee iscasilaya iyo waxyaabaha ugu iyadoona siyaasiyiintu ay sheegayaan in ay qabaan dareen ah in doorashada la faragalinayo oo la doonayo xubno lasoo xulay in ay kusoo baxaan

