Waxaa maanta Dowladda Soomaaliya ay dib u furtay waddada dheer xiriirisa Muqdisho iyo afgooye oo in muddo ah xirneyd.
Waddadaan ayaa waxa lagu sameeyay dib u dhis balaaran kadib markii ay dowladda Qatar bixisay Lacag gaarsesa 200m oo lagu dhisay waddadaan
Waxaana mashruuca lagu dhisayay qaataday dowladda turkiga oo injineero dhisa usoo dirtay Magaalada muqdisho ee caasmada dalka
Waqtidsii horeysay ayaa waddadaan dhimeheeda lasoo gabgabeeyay basle dowladdu ma aysan fasixin in ay isticmaalaan gaadiidka dad weynaha iyo mid gaadiidka gaarka loo leeyahayba
maanta ayaa ugu dambeyn si rasmi ah dib loogu furay wadaada ,waxaana la arkayay gaadiidka dad weynaha oo durbaba ka howl bilaabay waddadaani
Waddada xiriirisa muqdisho iyo afgooye ayaa waxa ay muhiim u tahay isku socodka Dadka iyo gaadiid un kala goosha muqdisho iyo deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose.
sidookale waxa ay waddadan laf dhabar weyn u tahay ganacsiga qudaarta ee gobolada banaadir iyo shabeelaha hoose
Qaar kamid ah dadka shacab ah iyo gadiid leeyda ayaa si aad ah usoo dhaweeyay furida waddada xiriirisa muqdisho iyo afgooye oo xirnan shiyaheeda cabasho ay ka qabaan dhowr jeer ay u gudbyeen dowladda

