Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele cali Cabdulaahi xuseen Cali Guudlaawe ayaa waxa uu sheegay in Dhamaan degmooyinka Hoosta maamulka hirshabeele uu u dhisayo golle deegaan
Cali Guudlaawe Madaxweynaha hirshabeele ayaa waxa uu sheegay in ay haatan wadaan qorshe ay degmooyinka jowhar buula burde iyo baladweyne ay ugu sameeynayaan golle deegaan
Waxaana uu intaasi ku daray in horay ay golle deegaan usameeyeen degmada warsheekh ee gobolka shabeelaha dhexe haatana ay doonayaan in dhamaan deegaanada kale ee maamulka hirshabeele ay usameeyaan
Madaxweynaha hirshabeele waxa uu tilmamaay in arintaan ay horay uga codsadeen dad deegaanka islamarkaasna ay sheegeen in ay faaiido badan ugu jirto in loo sameeyo golle deegaan oo kala shaqeya howlaha joogtada ah ee maamulku uu uhayo
Ku dhawaadida madaxweyne cali guudlaawe ee dhisida gollaha deegaanka ayaa waxa ay imaanaysaa xili wali ay taagantahay oo aan laxalin tabashooyika ay qabaan dadka reer hiiraan oo ka horyimid doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Cali Guudlaawe

