Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare kala duwan geystay oo ciidamo ka tirsan dowladda lagu eegtay deegaan duleedka caasimada Muqdisho.
Weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadin markii Rag hubeysan ay weerar la beegsadeen Sadhig Ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen Deegaanka Daaru salaam ee Duleedka Magaalada muqdisho.
Waxaana La sheegay in weerarkaan uu ka dhashay Qasaare iskugu jira dhimasho iyo Dhaawac
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan waxa ay sheegeen in khasaare ay ku gaarsiinyeen ciidamada dowladda.
Wararka al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen in weerarka ka dhacay daaru saam ay ku dileen Hal askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda
Waxaana ay intaasi ku dareen in xubnihii ka tirsanaa ee weerarka geystay ay gacanta ku dhigeen gaari nuuca raaxada ah iyo qori AK47 ah oo uu lahaa askariga ladilay
Majirto warkasoo baxay dowladda oo looga hadlayo sheegashada al-shabaab ee weerarkaan ay sheegteen in ay ka fuliyeen Deegaanka daaru salaam ee duleedka magaalada Muqdisho

