Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Degmada Baardheere

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saacadii lasoo dhaafay ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta soomaaliya

Dagaalkaan ayaa waxa uu ahaa min saacado qaatay islamarkaasna laisku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan

Waxaana uu yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen garoobka diyaaradaha degmada baardheere ee gobolka gedo ,Iyadoona dagaalku uu udhexyay ciidamada itoobiya iyo Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Ila degaanka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ay maqlayeen daryanka rasassasta culus oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay dagaalkaani

Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay  dagaalkaan waxa ay sheegeen in khasaare ay ku gaarsiiyeen ciidamada itoobiya

Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca interneetka ayaa waxa ay shegeen in xubno ka tirsan ay  ku dagaallo culus  saacadihii lasoo dhaafay ciidamo itoobiyaan ah oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha macmaalka ah degmada baardheere ee gobolka gedo

Gegada diyaaradaha macmalka degmada Baardheere ee Gedo waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada  al-shabaab  iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka gedo ayaa lagu yiri warkasoo baxay al-shabaab

Al-shabab si rasmi ah ugama hadlin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay  dagaalka balse waxa ay tilmaameen in uu jiro qasaaro

Manajiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka amisom oo looga hadlayo dagaalkaan iyo sheegashada alshabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here