Maanta oo talaado ah ayaa waxa lagu wadaa in Madaxweynaha Maamulka hirshabeele uu ku dhawaaqo xubnha musharaxiinta ah ee utartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka soomaaliya ee laga soo Dooranayo Deegaanada Hirshabeele
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Dib ugu laabatay Magaalada Jowhar oo Xarun ah maamulka hidhabeele
Waxaana uu halkaasi la tashiyo kala duwan uu kala yeeshay Madaxweyne ku xigeenka hirshabeele Yuusuf dabageed iyo odayaasha Dhaqanka iyo xubno kale oo danaynaya in lagu daro xubnha utartamaya Dorashada Aqalka Sare Ee Hirshabeele.
Wararkii ugu dambeeyay oo aan ka helayano madaxtooyada Hirshabeele ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne cali guudlaawe uu diyaariyay liiska Musharaxiinta Aqalka sare islamarkaasna uu soo gabagabeeyay la tashiyadiisa ku aadan magacaabida xubnaha Utartamaya Doorashada Aqalka Sare
Waxaana goordhaw lagu wadaa in si rasmi ah loo shaaciyo
Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxa uu sidookale kulan la qaatay Taliska Ciidanka midowga Afrika gaan agaan kuwa burundi oo ay ka wada hadleen arimo badan oo ku saabsan sugida aamaan xiliga ay socoto doorshada iyo ka beyraan daga waxkasta oo qalqal galinkara goobaha ay ka dhaceyso Doorashadu
Waxaana la tilmaamay in kulankaasi uu kusoo dhamaaday is afgarad laga gaaray qaabka loogu sugayo amniga iyada oo ay iskaashanayaan Ciidamadda Dowladda iyo Kuwa amisom
Ku dhawaaqidaan la filayo saacadaha soo socda ayaa waxa ay kusoo Aadeysaa xili wali muran xoogan iyo isqabqabsi uu ka jiray dhanka maamulka hirshabeele taasi oo ku aadan in qaar ka mid ah dadka reer hiiraan ay kasoo horjeedaan Madaxweyne cali guudlaawe oo kusoo baxay Doorasho Hal Wareeg Ku Dhacday oo Dowladda ay Hormuud ka aheyd

