Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xiisad dagaal oo maantay ka taagan waqooyi magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan
Xiisadaan ayaa waxa ay udhexeysaana laba maleeshiyada beeleed oo saacado ka hor ku dagaalamay deegaan kabxanleey oo qiyaastii 40 km ujirta baladweyne
Labada maleeshiya beeleed ayaa hada isku horfadhoya deegaanka
Waxaana laga cabsi qabaaan in halkaasi markale uu ka qarxo dagaal udhexeya labada beelood
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku guuldareystay joojinta dagaal beelahaan ku dagaalamaya waqooyiga magaalada baladweyne
Warar hoose oo ay heshay idaacada simba ayaa sheegaya in haatan ay labada beelood ay isku hub aruursanayaan islamarkaasna ay soo kala gaarayaan ciidamo gurmad ah
Mid ka mid ah Maleeshiyaadka ku dagaalamaya Deegaanka kabxanleey oo la hadlay simba ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii dhacay saacadihii ugu dambeeyay uu qasaare kala duwan dhaliyay balse aysan jirin wax qasaare ah oo dhankooda soo gaaray
Dhankale xubintaan kamid ah maleeshiyadaadka ku dagaamaya hiiraan ayaa waxa uu tilmaamay in aysan jirin wax wanwaan ah oo laga wado labada beelood taasi oo lagu heshiisiinayo ama lagu joojinayo dagaalka isagoo sheegay in maamulka gobolka hiiraan uu ka gaabiyay joojinta dagaalkaan wali laisku midiya afeysanayo
Dhinaca kale garabkale ee beelaha dagaalamaya oo aan la xariirnay ayaysan noo suurtagalin in qadka taleefanka ku haleelno
Beelaha ku dagaalamaya gobolka hiiraan ayaa waxa ka dhexeya muran la xariira dhulbeereed
Waxaana eeda ugu weyn ee dagaalkaan loo jeedinayaan maamulka gobolka hiiraan oo lagu eedeeyay in ay indhaha ka daawanayaan dhiiga ay beeluhu ay iskaga daadinayaan meel magaalada baladweyne

